Xukuumadda oo Ganacsatada Suuqa Waaheen Ku Wergelisay War Muhiim Ah

0
678

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shaacisay inay fasaxday dib-udhiska guryaha gaarka loo leeyahay ee ku gubtay dabkii ba’naa ee ka kacay suuqa Waaheen.

Guddoomiyaha guddiga taakuleynta iyo gurmadka suuqa Waaheen, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa shaagay inay soo dhamaatay nadiifintii iyo hubinta badqabka suuqii gubtay.

Wasiir Albaani, ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeya ay fasax u yihiin Ganacsatadii ay dhismayaashu kaga gubteen suuqa Waaheen inay dib u dhisan karaan dhismayaashoodii.

“Guryaha iyagu dadka gaarka u leeyihiin waxa la kulanay dadweynaha markaanu wada-hadalnay waxaanu u fasaxayna inay dhisan karaan, waxaana u sheegnay in waddooyinka dib loo dagi doonin oo guryaha naqshad loo sameeyay,” ayuu yidhi Wasiir Albaani.

Waxaa kale oo uu sheegay inay Ganacsatada dhismayaasha leh ay ku wareejin doonaan hantidii loo ururiyay dib u dhiska suuqaas, isaga oo xusay in naqshad mideysan ay ka xukuumad ahaan u sameeyeen dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen.

“Waxaa u mahad-naqeynaa guddigii ay iska soo xuleen ganacsatada ee sida fiican u shaqeeyay, marka dadku isku imaadaan iyaga oo isu-maqan wey is-fahmayaan oo arrintooda wey dhamaaneysaa.”

Waxaanu intaa ku daray in guryaha gaarka loo leeyahay oo dhan 221 guri in ay isugu jiraan guryo dabku waxyeello kooban uu soo gaadhsiiyay oo dib-udhisn u baahan iyo guryo shuf belay oo la duminayo.

”Markii uu gubtay Suuqa Waaheen waa la xidhay waana la nadiifiyay laba qaybood ayuu ahaa dhismayaasha Suuqa Waaheen, qayb Dawlada Hoose leedahay iyo qayb Dadweynuhu leeyihiin oo ah  221 guri qaybta Dawlada Hoose maamusho waa la dumiyay. waxaanan dhagax dhigi doonaa dhismahaas bishan September bilowgeeda ayaanu bilaabi doonaa,waxa kale oo aanu si guud u samaynay bad qabka Guryaha Dadweynuhu gaarka  u leeyihiin.waxaanay isugu jiraan guryaha Dadweynuhu guryo ka badbaaday dabkii iyo guryo gubtay.waxaanay isugu jiraan guryaha gubtay laba qaybood guryo dabka gaadhay aad u xoogganaa  oo inta ka hadhsani ay noqonayso in la dumiyo iyo guryo si khafiifa dabku u gaadhay oo aan dumin ahayn,waxaanan shaacinay oo aanu  usoo bandhignay Shirkadaha in ay u tartamaan Guryaha inta la duminayo iyo inta aan la duminayn,”. ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Ugu dambeyntiina waxa uu faray ganacsatadii ay hantidoodii ku shuf beeshay suuqii Waaheen inay berri iska soo xaadirayaan guriga shaqaalaha, isaga oo ku bogaadiyay dulqaadkii ay muujiyeen intii ay socotay shaqadu.

Si kastaba, Khasaaraha ka dhashay gubashadii baaxada weyneyd ee suuqa Waaheen oo ahaa midkii ugu weyna Somaliland ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysay $1.5 Bilyan illaa $2 Bilyan oo lacag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here