Xubnaha u sharraxan hoggaanka Ururka Qareenada Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Berbera

0
814

Berbera,(HargeisaPress)– Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay xubnaha musharrixiinta ee u tartamaysa hoggaanka ururka Qareenada Somaliland ee SOLA.

Munaasabaddan soo dhoweynta oo si habsami leh u dhacday, ayaa waxaa ka qayb galay xubnaha Qareenada ee gobolka Saaxil, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, iyo marti sharaf kale.

Qareenada ka hawlagala Gobolka Saaxil, ayaa wadajir u qaabilay musharixiinta hoggaanka ururka iyo xubnaha kale ee ururka.

Musharixiinta u tartamaya hoggaanka Ururka Qareenada Somaliland, ayaa iyaguna geestooda uga mahadnaqay soo dhawaynta iyo taageerada ay u muujiyeen Qareenada Gobolka Saaxil.

 

Musharrixiinta, ayaa waxa ay halkaa kaga mahadnaqeen soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay ka heleen dhigooda qareenada gobolka, iyaga oo xusay in ay Berbera tahay magaalo taariikhi ah oo door muhiim ah ku leh horumarka qareennada iyo dhismaha garsoorka dalka.

Waxaanay xubnahan u tartamaya hogaanka Ururka, uu mid kastaaba soo bandhigay qorsheyaashooda.

Hase ahaatee, xubnaha musharaxiinta ah ee u tartamaya jagooyinka hoggaanka ururka Qareenada Somaliland, ayaa tiradoodu tahay 3 xubnood.

Musharixiinta, ayaa kala ah Xasan Cali Xasan Banfas, oo xilka Guddoomiyenimo u taagan, Caydaruus Cali Cabdillaahi oo isna u taagan xilka Guddoomiye ku-xigeenka, iyo Siciid Cabdilaahi Xuseen (Geeljire) oo isna u sharraxan xilka Xoghayaha Guud Garyaqaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here