Hargaysa (HP): Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa ugu baaqay xisbiyadda mucaaradka ah in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyadda nabad-geliyo xumadda ah ee ay wadaan.
Mahdi Cismaan Buuri, waxa uu sheegay in xisbiyadda mucaaradka ah aan laga ogolaanaynin in ay sameeyaan waxyaabo nabadda dalka bur-burin kara.
Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Somaliland oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Hargaysa, ayaa xusay in mudaharaadyadda ay xisbiyadda mucaaradku abaabulayaan ay keeni karaan nabad-geliyo xumo.
DAAWO: Muhdi Cismaan Buuri Oo Arrimahaa Ka Hadlayay:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.