Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Biixi ku eedeeyay xadgudub Xayawaan

0
2165

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu eedayn culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku eedeeyay xadgudubyo Xayawaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo qoraal ku baahiyay boggiisa X, ayaa Madaxweyne Biixi, ku eedeeyay in uu ku xadgudbay xuquuqda Xayawaanka, kadib markii uu shalay fuulay Libaax silsiladaysan.

Xoghayaha, ayaa waxaa uu sheegay in arrintani ka hor imanayso xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda duur joogta.

Wuxuu sheegay in 7 sanno oo uu Madaxweyne Biixi ku kacay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, uu mudadii xilka uu hayay ku soo afjaray fal arxan darro ah oo ka dhan ah xuquuqda Xayawaanka.

Xoghayaha, ayaa tilmaamay in Xayawaanka duurjoogta ahi ay mudan yihiin xorriyad, balse aanay mudnayn dhiig-miirasho, sida uu hadalka u dhigay.

Muuqaal ay baahiysey madaxtooyada Somaliland, ayaa muujinayay Madaxweyne Muuse Biixi oo fuushan mid ka mid ah Libaaxyada lagu Xannaaneeyo degmada Sabo-wanaag, mar uu shalay safar ku tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here