Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha xidhiidhka goleyaasha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Yaasiin Cabdilaahi Xaashi, ayaa ka jawaabay hadalo ka mid ahaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani.
Waxaanu xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Siciid, dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, isagoona madaxweyne Biixi, ku tilmaamay in uu bulshadda Somaliland kula kacay ficilo la mid ah kuwii Siyaad Barre.
Hase yeeshee, Xoghayaha Xidhiidhka Goleyaasha Xisbiga UCID Yaasiin Cabdilaahi Xaashi, oo isna maanta warbaahinta la hadlay, ayaa hadaladii xoghayaha Waddani ka jawaabay.
Waxaanu sheegay in xisbiga Waddani aanu ahayn xisbi qaran, isla markaana uu ku caan baxay xisbi qabiil.
Waxaanu yidhi, “Doqontu inta badan Ragga Xiniinyahoodii ula tagey wuxuu moodaa inay doqoniimo kula joogaan oo aanay damiir lahayn”.
“Runtii Ma odhankarno Waddani, waa xisbi qaran, ee waa Xayn-daab Qabiil oo caruuri hor socoto”ayuu yidhi Yaasiin Cabdilaahi Xaashi.
Geesta kale, Yaasiin Cabdilaahi Xaashi, ayaa wax laga xumaado iyo mid meel ka dhac ku ah qaranka ku tilmaamay in xoghayaha guud ee xisbiga Waddani uu madaxweynaha Somaliland bar-bar dhigo Siyaad Barre.
“Waana wax meelka dhac ku ah bulshada axsaabta qaranka ku midowday ee reer Somaliland hadalkaa maanta ka soo yeedhey Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani.
In maanta Gabiley Gar-bahaarey ula mid noqoto” ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Goleyaasha Xisbiga UCID Yaasiin Cabdilaahi Xaashi.