Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah oo war soo saaray

0
1433

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah, ayaa maanta waxaa ay magaalada Hargeysa ku wada yeesheen kulan laba geesood ah.

Kulankan, ay wada yeesheen xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah, ayay ku wada gaadheen heshiis rasmi ah oo isbaahaysi.

Heshiiska xisbiga Waddani iyo ururka Kaah, ayaa la saxeexi doona 4 bisha August, sida ay maanta ku dhawaaqeen guddida labada dhinac.

Guddida labada dhinac, ayaa sheegtay in heshiiska xafladdu ka dhici doonta magaalada Hargeysa.

Xisbiga Waddani iyo Urur Siyaasadeedka Kaah, ayaa hore waxa ay ugu heshiiyeen in ay u midoobaan sidii Somaliland isbeddel uga dhici lahaa, sida labada dhinac sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here