HARGEISA, (HargeisaPress) — Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI waa xisibi ku cusub saaxada mucaaridnimo ee somaliland, waa xisbi ay ka muuqto inuu ku haftay badweynta siyaasada somaliland. isle markaana ku jahwareeray loolanka siyaasada casriga ah iyo ta dhaqanka la xidhiidha iyo sidoo kale Minqiyaaska bulshada reer somaliland ku qiimayso hogaamiyaha hagi kar mustaqbalkooda hadba xisbiga wadani waxuu mudooyinkii ugu dambeeyey loolan ugu jiray kasbashada dhaliinyarada somaliland oo ah Xooga ,iyo aqoonta dalka Wadani waxuu aamin sanyahay xisbiga dhaliinyarada reer somaliland ay taageerto inuu yaahay xisbiga ku guulaysan kara doorashooyinka dalka ,
Wadani waxuu fahmi waayey luuqda lagula hadalo dhaliin yarada reer somaliland isle markaana waxuu ku qancin kari waayey Barnaamijkiisa Qabyad ah ee uu dhawaan soo saaray arintan oo waji-gabax weyn ku noqday Hogaanka wadani Xisbiga WADANI waxuu is weydiiyey waa maxay sababta ay dhaliinyarada reer somaliland ugu heelantahay hiigsiga iyo kamid noqoshada xisbiga talada dalka haya Ee KULMIYE hadaba WADANI.
Guul daradaasi ka soo wajahday Dhinacii dhaliin yarda waxuu kule Galgashay Dalada ay ku Bahoobeen Ururada dhaliin yarada somaliland taasi oo ka madhan siyaasad balse ah Dalad hogaamisa Ururada bushada WADANI Waxaa kale oo uu qarsan kari waayey inuu KULMIYE kaga Guulaystay dhinacii dhaliin yarada waxaanu SONYO ku Ee Deeyey inay KULMIYE u shaqeeyaan WADANI maaha markii ugu horeysay Ee uu Lumiyey taageerada Qayib ka mid ah bulshada reer somaliland dhawaan waxaa jirtay inuu ku Ee deeyey Golaha deeganka Gabiley inuu ka dambeeyey calankii WADANI Ee Eyda Loo xidhay taasi waxay sababtay inuu WADANI Gabiley Fooda Galin waayo bal aan Eegno.
WADANI oo ay Hogaamiyaan Qaar ka mid Siyaasiyiintii sababay inuu baabo Xisbigii UDUB iyo qar anfikirdhamin waxay dhalinyarada wadani u soo dhiibeen Warsaxaafadeed ay ka buuxdo Xumaanta hogaanka Xisbigu u hayo dhaliin yarada Reer somaliland War Saxaafadeedka Xisbiga Wadani ku cabirayo Dareenkiisa iyo dhaqan kiiisa siyaasaded ayaa waxaa ka muuqda calaacal iyo ciil oo haysan kari waayey waxaanu u dhignaa Sidan :
“Dalladii qaran ee dhallinyarada Somaliland waxay noqotay hadhuub shaqsiyaad koobani ku adeegtaan, waxaanay ku milantay siyaasadda sumaysan ee xukuumadda Kulmiye iyadoo ka leexatay mabaadi’idii guud ee ay u asaasanayd. Fadhiidnimadeeda waxa ka daran leexashada ay ka baydhay jidiikii sooyaalkii hore ay haysay dallada SONYO.
Kalfadhigii 32aad ee golaha sare ee dallada qodobadii kasoo baxay waxay markhaati u yihiin marin habawga dallada haysta, war-murtiyeedka dalladu soo saartay maaha mid taabanaaya baylahda iyo xaaladda nololeed ee ay ku jiraan dhallinyarada hoggaankoodu hagraday ee maalin iyo habbeen ku qulqulaaya badaha, iyo balwadaha. Iyadoo aynu ka wada dhergsanahay xaaladda nololeed ee dhallinyaradu ku suganyihiin waxa nasiib daro ah in maanta SONYO xasuusan waydo dhallinyaradii ay ahayd inay duruufahooda ka jawaabto.
Qodobada ay soo saartay Dallada SONYO kalfadhigeedii ugu danbeeyay waxay muujiyeen inay ka fogyihiin waayaha dhabta ah ee dhallinyarada Somaliland ku gedaaman. Biyo-dhaca qodobadaas oo dul meerayay Ajnadayaal aan shaqadoodi ahayn oo ahaa doorkii xukuumaddu qaadanlahayd. Dhallinyar ahaan waxaanu walaac xoogan ka muujinaynaa majare habawga ka muqada dallada SONYO. Qodobada kalfadhigan oo ahaa .
Abaaraha .Isticmaalka Shillinka Somaliland Qaadashada Kaadhka Muwaadinka Tayaynta Waxbarashada
Baaq Ku Wajahan Taageerada Beesha Caalamka Doorkii ay ahyd inay qaadto SONYO oo ahaa isku xidhka dhalinyarada, wacyigelinta dhallinyarada, shaqo abuurka iyo dhiirigelinta dhalliyarada, saddexdii sanno ee ugu danbeeyay waxaad mooda in dalldu aanay hayn hawlihii dhallinyarada ee ahaa mabaadi’deeda oo ay ku milantay siyaasadda Kulmiye ee aany ka badbaadin ururada bulshada rayidka ah. Dhallinyarada Somaliland dallada waxay magan uga yihiin inay ka shaqeeyaan baahiyahooda.
Waxaanu ku dardaarmayanaa dallada SONYO In magaceed mabda’eega,iyo manfaceedu noqdo u adeegida dhallinyarada oo aanay sii ahaan madal lagu muunad iyo maaldoonto oo madaxtooyada meermeerkedu macno u yahay.
Inay dalladu daacad ka noqoto xilka qaran ee ay u hayaan dhallinyarada oo ay la dareen wadaagan dhallinyarada u baahan in codkooda lagu hadlo oo laga jawaabo baylahaha kala ee ku xeeran mustqablkooda.
hadaba aan dib u Eegno WADANI halka ay ka timid cadaawada iyo cada uu u hayo SONYO WADANI waxuu hore u abaabulay dhaliiyaro Xisbigiisa ka tirsan kuwaasi oo u tartamay Dalada hogaaminteeda balse ku Fashilmay WADANI dhaliin ayradii uu soo abaabulay markii ay ku guuldaraysteen inay hogaamiyaan Sonyo Waxuu Abaabulay Khilaaf hore leh oo uu dhaqaale badan ku bixyey sidii khilaafkaasi uu u baabiin lahaa SONYO balse Daladu waxay ka bedbaaday Shirqoolkaasi uu Xisbiga WADANI soo abaabulay Xisbiga WADANI oo ay ka muuqto Xumada Guuldarooyinka siyaasadeed ee uu Akhristay Doorashada ka hore waxuu wadaa Dagaalkii hore uu ugu hayey Dalada dhaliin yarad somaliland Ee Sonyo WADANI waxaanu fahmi Dagaalka uu ku hayo Sonyo inuu yahay mid uu kule jiro dhamaanba dhaliinyarad Reer somaliland WADANI waxaanu Garanayenin Beenta iyo Daacaayaadka uu ku hayo Sonyo inay tahay mid uu kuwaayi karo taageerada dhaliin yarada somalilandWADANI Waxaanu Garan wali in siyaasadu u baahan tahay Dul qaad hadii aad la kulan to guul daro siyaadeed WADANI waxaanu Garan Wali Hogaaminta siyaasadeed Ee Somaliland
Siciid Xuseen Yuusuf