Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey xilliga la qabanayo Shirweynaha 5aad ee xisbiga

0
599

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir ay isugu yimaadeen Hoggaanka xisbiga KULMIYE, xubnaha Guddiga Fulinta iyo qaar ka mid ah haldoorka xisbiga, ayaa waxaa uu maanta ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa.

Shirkan ay yeesheen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa ayaa lagu go’aamiyey hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga.

Shirkan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen dhammaan xubnaha hoggaanka, kuna saabsanaa u diyaargarowga shirweynaha xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan bisha October oo sannadkan 2025.

Waxa doodo dhaadheer oo laga yeeshay kadib lagu afgartay in la gudo-galo hawlaha qabanqaabada shirweynaha oo ay ugu horrayso magacaabista iyo ansixinta Guddiga qabanqaabada shirweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here