Xisbiga KULMIYE oo Shaaciyay Shuruudaha Xubnaha Tartamaya

0
1301

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga KULMIYE ayaa Shaaciyay  shuruudaha looga baahan yahay xubnaha u tartamaya  jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku Xigeenka labaad Xisbiga KULMIYE Axmed  Cabdi-dheere, ayaa waxa lagu wargaliyay Xubnaha u taagan jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Xisbiga in qabashada codsiyadu ay bilaamayso 13 bishan isla markaana ay xidhmayso  16 Bishan.

Wargalintan loo diray Xubnaha u sharaxan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga  KULMIYE, ayaa waxa ay u dhignayd  sidan:-

“Ogaysiis ku socda Xubnaha Golaha Dhexe ee u Tartamaya Jagada Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga.

Mudanayaal,

Maadaama oo lagu tartamayn Guddoomiyaha Xisbiga oo loo raacayo Xeerka Xisbiga ee toos u buuxinayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga.

Hadaba waxaa laga doonaya Xubnaha Golaha Dhexe ee raba inay u tartamaan guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga in ay buuxiyaan shuruudahan hoos ku xusan:-

  1. In uu yahay Xubin Gole Dhexe ka mid ah kaadhkiisana keeno.
  2. Inuu keeno Cv-giisa
  3. In uu bixiyo $10,000 (Toban kun oo doolar) oo aan celis lahayn kuna shubo, Xisaabaha Xisbiga ee kala ah.

Xisaabta baanka dhexe =4564

Zaad=4093555

Waxay bilaamaysaa qabashada codsiyadu 13.08.2023, waxayna xidhmaysaa 16.08.2023 waxaana lagu soo hagaajinayaa Xafiiska Xoghaynta Xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here