Xisbiga KULMIYE oo boggaadiyay natiijadii doorashooyinka, farriimo muhiim ahna diray

0
1897

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka hadlay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 13-kii bishan aynu ku jirno ee November.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ayaa waxana uu si cad u sheegay inay xisbi ahaan aqbaleen natiijadii doorashadaas kasoo baxday oo ay ku guulaysteen xisbiga murrashaxiintii ka socotay xisbiga WADDANI.

Waxa uu bogaadiyey go’aankii uu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku taageeray natiijadii doorashada kasoo baxday, waxana uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horumarka qarankeenna kaalin weyn ka qaadan doonta.

Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey inay xisbi ahaan soo dhaweynayaan, taageerayaanna natiijada soo baxday, hambalyona u dirayaan murrashaxiinta guulaysatay ee ka socotay xisbiga WADDANI, “Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa doortay waxan halkan ku caddaynayaa in xisbiga KULMIYE si buuxda oo niyadsami iyo qarannimo leh u oggol yahay natiijada doorashadii dalka ka dhacday, murrashaxiinta la doortay iyo xisbiga talada ku guulaystayna hambalyeynayno,” ayuu yidhi guddoomiye Maxamed Kaahin.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay si niyad ah u bogaadinayaan natiijada soo baxday, taariikhdii suubbanayd ee xisbigu bulshada ku dhex lahaan ilaashanayaan, waxana uu yidhi,“Xisbiga KULMIYE maaddaama oo uu intaas oo sanno xukunka dalka soo hayey Maanta ka baybaydhi mayno dariiqayaga siyaasiga ah ee uu horeba caanka ugu ahaa, hambalyadayaduna ma aha mid gargaroocasho lehe waa mid aannu oggol nahay in doorashada nalagaga guulaystay.”

Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed waxa uu farriin u diray taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee sababta u ahaa guushii xisbigu kasoo hooyey doorashadii xisbiyada ee dhawaan qabsoontay, waxana uu usoo jeediyey qarannimada iyo wada-jirka ummadda wakhti badan geliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here