Xisbiga Kulmiye iyo Urur Siyaasadeedka Ogaal oo yeeshay wada-hadallo iskaashi

0
1140

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka sare ee xisbul xaakimka KULMIYE iyo madaxda ugu sarraysa urur-siyaasadeedka OGAAL, ayaa maanta yeeshay kulan ballaadhan oo lagu ibo-furayo wadahal hordhac u noqon doona heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac wada gaadhaan.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayay dhinacyadu iskula afgarteen inay gaadhaan heshiis rasmi ah, dhawaanna lala wadaagi doono taageerayaasha xisbiga iyo kuwa ururkaba.

Markii uu kalankaasi soo dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay, Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha ururka OGAAL, marwo Rooda Cabdi Muuse.

Waxana ay caddeeyeen inay gaadheen is Af-garad buuxa iyo wada-hadal midho dhalay oo horseedi doona in dhawaan la kala saxeexdo heshiis rasmi ah.

Xisbiga Kulmiye iyo Urur Siyaasadeedka Ogaal, ayaa waxaa ay u midoobayaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here