Xirsi oo weerar afka ah ku qaaday hoggaanka Xisbiga Kulmiye

0
2089

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa weerar afka ku qaaday hoggaanka sar sare ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Guddoomiye Xirsi, ayaa duray hadal ay hoggaanka Kulmiye xalay ku sheegeen in ay toddobaadka dambe ay safar ku tagayaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Xirsi oo qoraal ku baahiyay boggiisa X, ayaa sheegay in Kulmiye uu leeyahay shacabka reer Burco waanu iibsanaynaa, isagoona hadalka hoggaanka Kulmiye ku sheegay mid been ah.

Wuxuu sheegay in reer Burco oo isku duubani ay beenin doonaan hadalka Kulmiye, isla-markaana ay xaqiiqadu hortooda iman doonta, iskana sugaan maalinta guuldarrada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa tilmaamay in aanay Burco iib ahayn, isagoona sheegay in Burco gacani waxay bixiso iyo wax go’ lagu qaado ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here