Xildhibaanada Golaha Wakiillada oo Dood Ka Yeeshay Xaaladda Dalka

0
1149

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta waxaa ay dood adag kaga yeesheen xalaadda guud ee dalka iyo xal u helida Shaqaaqada buurta Gacan-Libaax ka taagan.

Waxaa kale oo guddi hoosaadka arrimaha bulshadu ay ku wareejiyeen Shirguddoonka golaha Wakiillada Mooshinka laga keenay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu shir-guddoominaayay Guddoomiyaha Golahaas Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faraton), ayaa waxaa ku sugnaa 46 xildhibaan, waxaanay mudanayaasha golaha wakiilLadu cod u qaadeen mooshin ay qaar ka mid ah Xildhibaanada gollahaasi ka keeneen Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland.

Nuxurka mooshinka, ayaa dalbanayay in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku ka madax-banaanaado Wasaradda Waxbarashadda iyo Sayniska, intaa ka dib waxa  cod loo qaaday mooshinkaasi kaas oo ay  ogolaadeen 36 mudane, waxaana ka aamusay 7 mudane, halka ay diideen 2 mudane, guddoomiyuhuna ma codeyn.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa mudanayaasha u sheegay in mooshinkaas laga keenay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland uu ku wareejiyay Guddi hoosaadka Guddida Arrimaha Bulshada golahaas si wax ka baddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan mooshinkaas.

Sidoo kale, Xildhibaanada golaha, ayaa waxay si faahfaahsan dood uga yeesheen xaaladda dalku xiligan ku sugan yahay iyo sidii shaqaaqadaas Gacan-libaax  xukumadda, axsaabta mucaaridka iyo shacabkuba iskaga kaashan lahaayeen sidii si wada jir ah wax looga qaban lahaa.

Waxaanu guddoomiye Faaratoon u balan qaaday in Xildhibaanada golahaas in la soo gole joojin doono Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, si xildhibaanadu wax uga weydiiyaan  xaaladda dalku marayo xiligan.

Dooda xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda iyadoo marka ay dhamaatana gudi loo saari doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here