Xildhibaan Ku-Cadeeye oo beeniyay warqadii ay Guddida joogtadu soo saareen

0
1323

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (Ku-cadeeye) oo ka mida mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyay doodii buuqa badan ka dhex dhalisay golaha, ee ku aadanayd dacwadii maamuus ka xayuubinta ee xeer-ilaalintu ka gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaan Axmed Dayib, ayaa waxaa uu sheegay in golaha ay ka dhacday in sharcigii iyo habraacii sharciba la baal maro.

Wuxuu sheegay in ay ahayd in golaha loo qaybiyo loona akhriyo dacwaddii dastuuriga ahayd ee xeer ilaalintu u soo gudbisay golaha si uu uga go’aan gaadho diidmo ama ogolaansho sida uu tilmaamayo qodobka 79aad ee dastuurka faqraddiisa 2aad.

Hase ahaatee buu yidhi taa badalkeeda golaha loo akhriyey warqad gacan ku rimis ah oo sharciyadda aan meelna ku lahayn nuxurkeeduna ahaa ka jawaabidda dacwaddii xeer ilaalintu soo gudbisay iyo codsi ah in Goluhu ku raaco jawaabtaas.

Xildhibaanka Axmed Dayib, ayaa beeniyay in ay saxeexeen warqada dacwada ee Guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha Wakiilladu soo saareen, taasi oo lagu sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale ay saxeexeen.

Wuxuu sheegay in warqada guddidu soo saareen ee lagu xusay tahay mid been abuur ah, isla-markaana aanay jirin wax warqad ah oo ay saxeexeen.

Xildhibaan Axmed Dayib, ayaa tilmaamay in isaga iyo Xildhibaano kale ay diideen in saxeexaan warqada dacwada ee ay xeer-ilaalinta ka soo gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here