Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Ku Geeriyooday Hargeysa Iyo Dhambaalada Tacsida ah

0
870
Labada gale

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alle ha naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan, Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal, oo kamid ahaa Golaha guurtida tan iyo markii la aasaasay golahaas.

Geerida Marxuumka ayaa la xaqiijiyey caawa niskii hore, iyadoo uu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay.

 

Shirgudoonka Guurtida,Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha Guurtida Somaliland oo dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum- Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, waxa uu ahaa oday miisaan wayn ku lahaa Somaliland oo ku suntanaa hormoodka odayaashii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimadeeda, isagoo ka mid ahaa xeer-beegtidii soo hoggaamisay talada dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano  ka waraabiyo qoyskii iyo ummadda reer Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

 

INAA LILAAHI WA INAA  LILAAHI  RAAJUCUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here