Xildhibaan Cabdikariim Maxamed oo Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay dhaqaale raadin

0
1593

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Muxumed oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tagay dalka Qatar.

Xildhibaan Cabdikariim, ayaa sheegay in Safarka Weftiga Madaxwaynaha Somaliland ee Qadar uu muujinayo in Siyaasaddii Arimaha Dibadda Somaliland ee Ictiraaf raadintu jiho qaldan qaaday.

Wuxuu sheegay in Dalka Qadar uu ka mid yahay Dalalka ka soo horjeeday Qadiyadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaanka, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Somaliland waxaa ku kalifay Dal Qadiyadeena ka soo horjeeda safar ku tagaan ay tahay dhaqaale raadin.

Xukuumadda Somaliland, ayuu sheegay in ay gashay howlo iyo kharashaad badan oo Odoroska Miisaadada Qaranka ku jirin isla markaana ay kala bateen Dakhligii iyo Kharashkii Dowladda, taasi oo uu tilmaamay inay keentay inaynu hoos tagno cadowgeena oo khatarteeda leh, dhaqaale na ka raadsano.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

“Safarka Waftiga Madaxwaynaha Somaliland ee Dalka Qadar waxa uu muujinayaa in Siyaasaddii Arimaha Dibadda Somaliland ee Ictiraaf raadintu Jiho Qaldan qaaday (ambatay).

Dalka Qadar waxa uu kamid yahay Dalalka ka soo horjeeday Qadiyadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda Somaliland waxa ku kalifay Dal Qadiyadeena ka soo horjeeda safar ku tagaan waa Dhaqaale raadin.

Xukuumadda Somaliland waxay gashay howlo iyo kharashaad badan oo Odoroska Miisaadada Qaranka ku jirin isla markaana waxa kala batay Dakhligii iyo Kharashkii Dowladda, taasi waxay keentay inaynu hoos tagno cadowgeena oo khatarteeda leh, dhaqaale na ka raadsano.

Arrintani waxay keenasaa in Somaliland lumiso saaxiibo muhiim ahaa oo waqtiyo adag inala soo shaqeeyay dalkana Maalgalin ku sameeyay.

Dalka Qadar waxa uu ka shaqeeyaa siyaasadda Soomaaliya oo ah Dal aynu siyaasadda isku hayno, Dowladnimadeenana ka soo horjeeda, shalayna dadkeena dhibaato u gaystay.

Madaxwaynaha Qaranka waxaan leeyahay waxaad qaaday Masuuliyadda 5 Milyan oo reer Somaliland rajada ay leeyihiina tahay Somaliland oo la ictiraafo, Somaliland horumarta waxana ay dhowrayaan rajo kasta oo Qadiyadda Somaliland ee nafta loo huray laga dhabeeyo Insha Allah, waxana mustaqbalkoodu ku xidhan yahay Somaliland qadiyadeeda si aanay mar kale ugu dhicin dabinkii iyo qaladkii 1960kii inaga dhacay oo Soomaaliya aanay ugu gaysan xasuuq dambe.

Madaxwaynaha waxaan kula talinayaa inuu Dilaaliinta heer caalami ee Dhaqaale raadiska ka fiirsado taladooda , Shacabka Somaliland ay rajadoodii iyo noloshoodii iyo mustaqbalkoodii kugu aamineen oo kuu dhiibteen laguuna dhaariyay Qarankan Umaddiisu 34 Sano soo tacabtay ee soo dadaalay.

Somaliland Allow dhowr Somaliland Guul iyo Gobonimo Insha Allah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here