Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Bile oo ka tirsan mudanayaasha aqalka Golsha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa uu si adag uga hor yimid Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Xildhibaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Baarlamaanka, ayaa waxaa uu sidoo kale si adag uga hor yimid Magacaabista Wasiirka cusub ee Diinta iyo Awqaafta Somaliland.
Waxaana uu sheegay in aanu Madaxweynuhu kala tashan magacaabista Wasiirka, isagoona tilmaamay in Madaxweynaha ay hore ugu gudbiyeen liis aqoonyahano ah, islamarkaana aanu magacaabin.