Xidhiidhkii Mareykanka iyo Somaliland oo Guulaystay, Aqoonsina Qarka u saaran!!!

0
605

Washington D.C. :— Baarlamaanka Maraykanka ayaa tallaabo muhiim ah qaaday, taas oo laga filayo inay si toos ah u taaban doonto mustaqbalka xidhiidh u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Maraykanka.

Qoraal ka mid ah sharci lagu meel mariyey guddiga miisaaniyadda ee Golaha Wakiilada Maraykanka (Congress-ka) ayaa si cad u faraya Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka in uu warbixin rasmi ah kasoo diyaariyo fursadaha lagu horumarin karo xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac.

Warbixintan oo la sugayo ugu dambayn 120 maalmood gudahood tan iyo marka uu sharcigan dhaqan galo, waxaa looga baahan yahay in lagu xuso meelo muhiim ah oo iskaashi laga abuuri karo, kuwaasoo ay kamid yihiin:
– Amniga iyo nabadgelyada gobolka
– Xidhiidhka diblomaasiyadeed
– Isdhaafsiga ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha
– Taageerada horumarka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah

Qoraalkaan waxa uu muujinayaa in xubno muhiim ah oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee Maraykanka ay garowsadeen kaalinta Somaliland kaga jirto gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay tahay in la dardar geliyo xidhiidh la taaban karo oo dhex mara labada dhinac.

Tallaabo Taariikhi Ah oo Somaliland Fursad u Ah

Qodobkan cusub wuxuu noqon karaa tallaabo siyaasadeed oo albaabada u fureysa aqoonsi buuxa ama iskaashi rasmi ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka. Inkasta oo aan si toos ah loo aqoonsan Somaliland weli, hadana qoraalkan wuxuu caddeyn u yahay in Maraykanku u arko Somaliland meel muhiim ah oo xidhiidh toos ah lala yeesho.

Waxaa la filayaa in warbixintaas marka la soo gudbiyo, ay fursad siin doonto in Congress-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku si qoto dheer ugu gorfeeyaan sida loo kobcin karo xidhiidhka labada dhinac — gaar ahaan iyadoo la eegayo xaaladda istiraatiijiyadda gobolka, badbaadada marin-biyoodka Baabul-Mandab, iyo baahida la xidhiidha xasilloonida Geeska Afrika.

Ugu dambayn:

Qoraalkaan sawirka hoose ka muuqda ee uu Congress-ku meel mariyey wuxuu bixinayaa rajo iyo hiil siyaasadeed oo muhiim ah oo ku wajahan Somaliland. Haddii dowladda Somaliland si xeel dheer uga faa’iidaysto waxay noqon kartaa fursad dhif ah oo dalka u horseedi karta horumar, diblomaasiyad cusub, iyo isbeddel dhab ah.

Waxa qoray: Abdirashiid Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here