Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Qaranka oo Xilka Kala Wareegay Xeer-ilaaliyihii Hore

0
977

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore Xasan Axmed Aadan iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dhawaan xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.

Madasha xil-wareejinta, waxaa ka soo qayb galay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Maal, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Mire Cismaan, Madaxa Xeer-ilaalinta Gobolka Togdheer Jaamac Ducaale Siciid, Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Hoggaanka Hawl-galinta Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Ibraahin Cabdi Xaaji, masuuliyiin ka socday Hay’addaha UNDP, EUCAP iyo Xafiiska Horrumarinta iyo Barwaaqo-sooranka ee dowladda Ingiriiska.

Xeer-ilaaliyihii hore qaranka Xasan Axmed Aadan oo munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa is dul-taagay halka uu ka soo bilaabay xafiiska iyo maanta halka ay marayso, korodhka Xeer-ilaaliyayaasha, kobcinta shaqaalaha iyo taabo-galinta dhismayaal ay ugu adeegaan bulshada loo fidinayo adeega sharci.

Geesta kale, Xeer-ilaaliyaha guud ee cusub Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo isna kalmado ka jeediyay madasha, ayaa uga mahad-celiyay Xeer-ilaaliyihii hore dedaalka iyo juhdiga uu galiyay xafiiska, waxaanu xusay in uu halkaa kasii amba-qaadi doono arrimaha u baahan xoojinta iyo tayaynta, waxaanu tibaaxay in uu dhaqaajin doono, shaqada iyo doorka Xeer-ilaalintu ku leedahay hawlaha Qaranka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Somaliland oo xilka u kala wareejiyay labada masuul, ayaa ugu horayn u duceeyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore, ugana mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee uu Qaranka u hayay, waxaanu xusay in xilku meerto yahay oo maalinba cid bulshada ugu adeegayso.

Guddoomiyaha, ayaa ku dheeraaday halka uu Xeer-ilaaliyihii hore Xasan Axmed shaqada Qaranka ka soo bilaabay iyo sida xilkasnimada leh ee uu marwalba u gudan jiray waajibaadka Qaranka.

Guddoomiye Aadan, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Xeer-ilaaliye Guud Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu kalmad kooban ka xusay khibrada shaqo ee Cabdiraxmaan Hayaan iyo mudada dheer ee uu ku soo jiray dhigista culuumta sharciga iyo shaqada Garsoorka.

Waxaanu Ilaahay uga baryay in uu ku garab galo masuuliyada culus ee loo igmay, waxaanu Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in marwalba ay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Xeer-ilaalinta iyagoo shaqo ahaan kala madax-banaan.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa waxaa uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee cusub kula dar-daarmay, uguna duceeyay in uu halkaa kasii amba-qaado koboca iyo geedi-socodka togan ee Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaanu si guud Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda ugu baaqay in ay is-bar-bar taagaan si wanaagsan oo shariif ahna ula shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here