Xasan Sheekh oo Safar Ku Tegaya Kenya

0
802

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maalinta berito ah u safraya dalka Kenya.

Xasan Sheekh, ayaa halkaasi waxaa uu kaga qeyb gali doonaa shir madaxeedka urur goboleedka IGAD, oo magaaladda Nairobi ka dhacaya.

Waxaana sidoo kale la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh, uu saxeexi doono heshiis lagu qaadaO xayiraadii saarnayd Qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya.

Iyadoo uu Qaadka Kenya hore u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Geesta kale, xidhiidhka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa meel xun gaadhay dhawr sano ka hor.

Kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf sababay in ay jala qaateen safiirrada labada dal u kala fadhiyay caasimadahoodda.

Dhinaca kale safarkan uu madaxweyne Xasan Sheekh, ku tegayo dalka Kenya ayaa noqonaya safarkiisii labaad ee uu ku tago dal dibadeed, tan iyo markii xilka madaxweynenimo uu ku guulaystay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here