Muqdisho (Hargeisa Press) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka digay arrin uu sheegay inuu damacsan yahay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay wal walka laga qabo in aanu Madaxweyne Farmaajo doonayn in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah.
Farmaajo iyo nidaamkiisa ayuu ku eedeeyay in ay ku guuldaraysteen in ay hal maalin xitaa fiiriyaan waxa ku qoran dastuurka Soomaaliya oo dhigaya dhamaan qodobada la isku hayo xalkooda.
Xasan Sheekh, ayaa sheegay in beesha Caalamka, mucaaradka iyo shacabka Soomaaliya wakhti galiyeen sidii dalkooda doorasho uga dhici lahayd loogana gudbi lahaa marxaladan halista ah.
Waxa uu yidhi “Inay yartay cabsida laga qabo in dalkan uu galo dagaal qabiil iyada laga tusaale qaadanayo dhibaatooyinka ay u soo dulqaateen si loo gaadho dowladnimo buuxda”.
Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Soomaaliya ay halis badan ku jirtay tan iyo markii talada Soomaaliya lagu wareejiyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo horaantii sanadkii 2017-kii” marka la fiidhiyo sida loo baalmaray dastuurka dalka iyo dhacdooyinkii foosha xumaa dalka ka dhacay”.
Xasan Sheekh oo hada ah Musharax Madaxweyne, ayaa cadeeyay “in marnaba aanu Farmaajo doonayn in doorasho si xor iyo xaal ah dimuqoraadi ah lagu kala baxo, laga soo bilaabo weerarkii Jawaari iyo Baarlamaanka lagu qaaday, wixii laga sameeyay dowlad goboleedyada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay sidii xilka looga qaaday ra’iisal wasaarihii seddex iyo badh la soo shaqeeyay”.