Xasan Sheekh oo cadeeyay in Itoobiya ku adkaysatay heshiiskii Somaliland

0
1773

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si ay cadho ka muuqato uga jawaabay hadalkii Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ku cadeeyay in aanay Itoobiya ka laaban doonin heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dooday in waxa wareegaya caalamka ay tahay Itoobiya oo khaladka gashay, wuxuuna sheegay inay jebisay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee lagaga dhaqmo adduunka.

Wuxuu ku andacooday in Itoobiya aanay weligeed Soomaaliya ugu imanin darisnimo iyo wanaag, isla-markaana ay weli diidan tahay waddada saxda ah.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu sheegay in Itoobiya ay ku adkaysatay Heshiiskii is afgarad ee ay la gashay dowladda Somaliland.

Xasan Sheekh oo hadalkiisa laga dhadhansanayay cadho ka dhalatay go’aanka Itoobiya ku adkaysatay inaanay ka laaban doonin heshiiskii ay la gashay Somaliland, waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso Itoobiya ayna ahayn kuwo ku dhamaanaya waddo nabadeed.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay heshiiska is-faham ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya 01 January, 2024-ka, kaas oo uu sheegay inuu ku yimi kaddib markii ay wax jawaab ah ka waayeen waddamada deriska oo ay hordhigeen qorshaha damac ee Itoobiya ku doonayso marin-badeed oo ay baahiweyn u qabaan.

Abiy Axmed, ayaa waxa uu cadeeyay isla-markaana ku adkaystay in aanay dowladiisu ka laaban doonin heshiiskii is-afgarad ee ay Somaliland la gashay.

Waxaanu nasiib darro ku sheegay in Soomaaliya lacago ku kharash-gareyso socdaallo ay dibadaha ugu baxayaan si ay Itoobiya uga dacweeyaan waddamo kale, taas beddelkeedana ay kaga fillayn hal duullimaad oo ay Addis Ababa ku taagan si xal looga gaadho khilaafka jira.

Hadalka Raysal wasaare Itoobiya Abiy Axmed, ayaa ahaa jawaab u quus-goynaysa hadal uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hore ugu sheegay inay Itoobiya u oggol yihiin dekedo iyo marin-badeedyo uu u soo bandhigay si Itoobiya uga laabato heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here