Hargeysa (Hargeisa Press)- Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa warbixin ka qoray xarakaadka ka socda Mareykanka ee la xidhiidha in dawladda Washington aqoonsato madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Wargeyska Dailly Nation wuxuu sheegay in bogcada istaraatajiga ah ee Somaliland ay ka dhigayso mid muhiimad weyn u leh dalalka reer galbeedka ee Mareykanka iyo UK hormuudka u yihiin.
Warbixinta Daily Nation oo lagu majeertay inay Somaliland in ka badan soddon sannadood ay ku tallaabsatay xasilooni iyo dawlad dimuqraaddi ah.
Waxay warbixintu ay intaas ku dartay in Somaliland ay Mareykanka u soo bandhigayso inay saldhig millateri ka samaysto Berbera, iyadoo Mareykankuna uu Somaliland ugu beddelayo aqoonsi caalamiya. Waxaannu hoosta ka xariiqay in maamulka Trump ay muujiyeen inay doonayaan inay iskaashi la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Warbixintu waxa ay xustay in Somaliland ku yaallaan xafiisyo diblomaasiyaddeed oo ay ku leeyihiin dalalka Ingiriiska, Itoobiya, Taiwan, Jabuuti, Turkiga, Imaaraadka carabta iyo qaar kale. Halka sidoo kalena dalal badan oo dunida ah ay Somaliland ku leedahay xafiisyo wakiillo ah.
Warsidaha Daily Nation wuxuu sheegay in Somaliland xeebteeda dheer ay ka caagan yihiin budhcad baddeeda halista ku haysa badda gacanka cadmeed ee uu maro ganacsiga adduunka u kala gooshaya.
Wargeysku, wuxuu Somaliland ku ammaanay doorashooyinka xorta ah iyo siday 30kii sannadood ee la soo dhaafay isu bixisay, iyadoo aan la ictiraafin.