Axsaabta siyaasadeed ee dalalka qaatay inay ku dhaqmaan nidaamka dimoqraadiyadda, waxa xubnaha ka ah ama kala taageera dad xagga aragtiyaha siyaasadeed ku kala duwan, siiba kuwa siyaasiyiinta, waayo iyaga waxa si cad loo hayaa raad-raacood dhinaca siyaasadda, waana taa ta ay shacbigu ku kala qiimeeyaan ee lagu kala garto mid kasta geesta uu u janjeedho dimoqraadi, Islaami, dikteytar iyo maqaar-saar.
Haddaba, marka aynu si ku salaysan xaqaa’iqa la taaban karo u axadhno ama u lafa-gurno saddexda Xisbi Qaran ee ku loolamaya talada hoggaaminta siyaasadda dalka, waxaan muran lahayn in si aan mugdi iyo madmadaw toona jirin loogu dhex arki karo xisbi kasta oo ka mida Xisbiyadeenna saddexda ah ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI halka majarihiisa siyaasadeed ku jahaysan yahay.
Tusaale xusuusin iga ah haddaan idinka siiyo Xisbiga UCID, waxa uu caan ku yahay inuu afka jebiyo cadawga Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana qolyahan Muqdisho fadhigoodu yahay ee Amisom ku ilaaliso xarumahooda iyo guryahoodaba sida Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke markay kasoo gudbaan xuduudahooda ee ay soo farageliyaan arrimaha Jamhuuriyaddeena. Waxa kale oo lagu xantaa in Xisbiga UCID uu xadhig-xidhe u yahay labada Xisbi ee kale markay qoorta iyo lugahaba isku martaan ee xaaladda murankooda siyaasadeed gaadho heer ay ku gilgilaan qaranimada iyo jiritaanka JSL. Marxaladdaas oo kale markay ku timaaddo dalka waxa lagu yaqaan oo uu ku caan yahay Xisbiga UCID inuu garabsiiyo hadba kuu u arko in toobiyaha toosan uu ku taagan yahay, horena way u dhacday inuu qaaday tallaabooyin sidan oo kale ah oo lagaga bedbaaday dhibaatooyin ku habsan lahaa dadka iyo dalkaba.
Sidoo kale xisbiga KULMIYE, waxa lagu xantaa mayal adayg, maadaama ay talada xisbigaas gacanta ku hayaan niman saraakiil ah oo weliba jabhad soo maray, taasoo ay dadka qaar ka cabsi qabaan inay ku noqdaan keligood taliyeyaal. Hase yeeshee dadka sidaa ku doodayaa waxay illowsan yihiin inay rag badan oo askar ahi dalalkooda gaadhsiiyeen heer aad u sarreeya, sida Jenaral Diigoolkii Faransiiska. Kuwan laftooduna waxay ku soo ababeen nidaamka siyaasadda furfuran xilligii jabhadda iyo xilliganba.
Waxaan gogol-xaadhkan kooban idiinku soo qaddimay si aan waxoogaa idiinku bayaamiyo Xisbiga Waddani oo Musharraxoodu u tartamayo jagada Madaxweynaha, sheegtana Xisbi mucaarid ah, hase ahaatee uu haddana ka mid yahay dawladda, isla markaana uu weliba ka mid yahay saddexda qof ee haya xilalka ugu sarreeya ee dawladda. Marka ay runtu sidaa tahay aniga ilama aha in Musharraxa Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ay HAA IYO MAYA labaduba isaga kasoo wada baxaan afkiisa isla hal xaajo, waayo dawladda uu dhaliilayaa waa ta uu xumaheeda iyo samaheedaba ka hayo saddexda xil ee ugu mudan dhammaan xilalka dawladnimo mid ka mida.
Horaa loo yidhi [ Fallaadhi gilgilasho kaagama go’do ] arrinta kale ee aan doonayo in aan qormadan ku xusaa, waxa ay tahay inaan daaha ka rogo oo aan idiin iftiimiyo in Xisbiga Waddani ay waxgaradkii ugu horreeyey ee ku biiray ahaayeen badankoodu raggii shirweynaha sida gaarka ugu qabsaday Hoteel Ambasador 2012kii ee hebellada lahaa ee kaga dhawaaqay gebagebadii shirkaa inay kaga tashanayeen Murashaxa ay taageerayaan Murashaxiinta u tartamaysa Jagada Madaxweynaha Soomaaliya oo la doortay kadib kulankoodaa 10-kii Sept, 2012kii.
Xubnihii ka qeybgalay shirkaa oo weliba u badan dadka lagu tilmaamo inay xubno ka yihiin urur Diimeedka la baxay [Damu jadiid] waa intii sida tooska ugu biiray bilowgiiba Xisbiga Waddani, balse inta badan way ka muquurtaan fagaarayaasha ay ku kulmaan taageerayaasha xisbigu, waxayse ka taageeraan xagga dhaqaalaha, maadaama ay badankoodu madax iyo wakiillaba ka yihiin ururro ama hay’ado kheyri loogu yeedho.
Intaa waxa kale oo aan ku sii iftiiminayaa in Xisbiga Waddani uu socdo waddo qarda-jeex ah oo uu ka weecday toobiyaha toosan ee yoolka Jamhuuriyadda Somaliland, in siyaasiyiin badan oo qaarkood ku caan baxeen dib usoo nooleynta midowegii la eeday ay haatan ka mid yihiin mus-dembeedka gaadha talooyinka culculus ee Xisbiga. Geesta kale waxa iyana jira xubno iskood uga yaacay Xisbiga Kulmiye iyo xilalkoodiiba, haseyeeshee horeba loogu tirin jiray kooxaha Damu-jidiidka, oo iyaguna ku biiray Xisbiga Waddani oo la garan karo inay ka dhex arkeen waxay aaminsan yihiin ka dib markay iswaafiqi waayeen mabaad’ida ay xambaarsan yihiin iyo ta Xisbul Xaakinku.
Sidaa awgeed, waxa fajac iyo amkaag ah midna kuma noqonayso haddii safarkii tamashlaha ahaa ee gadh-wadeenka Xisbiga Waddani ku tageen Neyroobi ay warbaahinta qaarkood sheegaan in kulamo ku dhexmareen halkaa xubno sarsare oo ka mida Xukuumadda Xasan Sheekh ee Muqdisho iyo weliba Musharraxiinta ku tartamaya hoggaanka Somaaliya oo uu ka mid yahay Sheekh Shariif oo la dhawraayo inuu ka mid yahay musharraxiinta ugu cadcad ee beddeli doona Xasan Sheekh Maxamuud. Qodobka kale ee aan doonayo inaan idiin sheego waxa uu yahay, in mar walba foojignaan dheeraad ah u yeelataan Xisbiga daba-geliska ka dhigta siyaasaddiisa hay’adaha Caalamiga, waayo Xisbiga ayey tahay inuu isagu noqdo ka sii bayaamiya siyaasadda uu kula dhaqmi doono dhammaan Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Qaramada Midoobay hadduu ku guulaysto hoggaaminta talada dalka.
CABDILLAHI AADAN CUMAR (WAYAB)