“Marnaba Aqbali Mayno In Kooxi Tidhaahdo Qofka Aragtideyda Ka Soo Horjeeda Suuqa Ha Lagu Garaaco..” Sheekh Aadan-Siiro

0
1520

Hargeysa,(HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Xaaladda Dalku marayo iyo Weerar Toddobaadkii hore Xilli habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo ah Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Falalka noocaas ahi khatar ku yihiin Amniga guud ee Dalka Somaliland, sidaa darteedna wuxuu Xukuumadda ugu baaqay in Ciddii Falkaa geysatay Sharciga la hor-keeno, maaddaama oo Somaliland la wada leeyahay, loona siman yahay Sharciga.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Islaamka dhexdiisa Dadku ma waxay kala sareeyaan Reeraha, ma Qurxudaa lagu kala sareeyaa, ma hantidaa lagu kala sareeyaa, ma sida Awoodda iyo Talada loo hayaa lagu kala sareeyaa, waxaas oo dhami waa Aragtiyaha gaaban ee Qofka Bani-aadamka ahi Maskaxdiisa ku hayo, Waayo? Dadku way siman yihiin Xukunka hortiisa, oo kuma kala sareeyaan Mid Cad, Mid Madow sida uu Tilmaamay Rasuulku (CSW) Alle ka cabsiga mooyee.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu khudbaddiisa tafaasiil kaga bixiyey Shaqsiyadda Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Muwaadinka Toddobaadkii hore Koox aan weli la Aqoonsanin Suuqa dhexdiisa ku garaaceen isla-markaana dhaawacyo ka soo gaadhsiiyeen Wejiga, “Waxaad ogtihiin Maalmihii innaga tagay in Suuqa lagu Garaacay Dad wax bartay oo Aqoon leh, oo karti leh oo uu ka mid yahay Barkhad Jaamac Xirsi Batuun.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Barkhad waa Nin ka dhashay Reeraha ugu yaryar Somaliland ee Aqoonta u leh Xirfadaha Gacanta, isaga iyo Koox uu ku jiraa waxay Dadkooda ku waaniyeen in la heli karo Dad Aqoon leh oo Wax bartay oo gaadha ama qaata laba jeer Shahaadada isagoo kale.”

Sheekhu wuxuu ka warramay dedaal uu Barkhad geliyey Dadkiisa si ay Bulshada kale ula jaan-qaadaan, “Koox uu hoggaaminayo oo dhowr iyo Lixdan ahaa oo uu isagu Sabab u ahaa, Annaguna aanu ka mid nahay markii ay Waxbarashada bilaabayeen Dadkii sida weyn uga qayb-qaatay ee ku dhiiri-geliyey inay Dadkoodu Wax-bartaan. Shahaadadii koowaad markii uu diyaariyey, haddana wuxuu diyaariyey laba Master oo kale. Wuxuu ka mid yahay Dadka Shanta Salaadoodba Masaajiddada ku xidhan, oo aan lagu tuhmayn waxyaabo ay dhallinyaradu xiiseeyaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciey, “Wuxuu ka mid noqday Barkhad Hal-doorka ummadda, laakiin wuxuu qaatay Khiyaarka ah inaanu ka mid noqonin Dadka aan Xagga Aragtida ku waafaqsanayn Xukuumadda Maanta jirta iyo Xisbiga Talada Hoggaaminaya.”

Sheekhu wuxuu sheegay inaan la yeeli karin la rakooro qayb ka mid ah Bulshada, “Dhacdadaasi laba Arrimoodba u yeeli mayno, mid u yeeli mayno oo waxaanu ka mid nahay dadka ka soo horjeeda in la Takooro Qayb ka mid ah Bulshada Somaliland, waxaanaan marnaba Aqbalayn in Koox Ummadda ka mid ahi tidhaahdo Qofka Aragtideyda ka soo horjeeda Suuqa Dhexdiisa ha lagu Garaaco, taasi oo aan ku oolin Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka (CSW) oo aan ku oolin Caqliga Ummadda doonaysa inay wax wada yeelato.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu farriin u diray Xukuumadda, “Xukuumadda waxaanu leenahay kuwa waxaa samaynaya waxa ku habboon in Caddaaladda la hor-keeno. Waxaanu kula talinaynaa Xukuumadda iyo Xisbiga doonaya inuu Talada qabto Waar Caqli ku dara waxaad qabanaysaa, Waayo? Somaliland waa la wada leeyahay “No More Green Lines in Somaliland.” Waxaanu leenahay Somaliland gudaheeda ma jiro khad akhtar ahi ama wax Qoqob la yidhaahdo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Dadkaa Maanta soo wada ootay Caqliga doonaya inuu Qayb-qaybiyo oo ay Magacyo u kala bixiso waxaan qabaa waa Dariiqii Baaba’a, waa Dariiqii Dagaalka Sokeeye, waa Dariiqa ay tahay inay ka dagaalamaan inta Cilmiga, Caqliga lihi, Waayo? Falalka noocaas ahi wax dalka dhaqi karaya maaha ayaanu leenahay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here