Hargeysa (Hargeisa Press)– Xamda Cigaal oo mudo badan ka mid ahayd ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqday inay u tartamayso Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee 2026.
Musharax Xamda Cigaal, ayaa caawa qoraal ay soo dhigtay barteeda facebook ku shaacisay inay u taagan tahay tartanka Doorashada Golaha wakiilada Somaliland.
Haddaba, Xamda Cigaal, ayaa qoraalkeeda ku tidhi sidan:- “15-kii sannadood ee ugu danbeeyay, waxa aan ahaa qof daneeya oo si dhow ula socda siyaasadda gudaha dalka iyo dunidaba. Waxa aan mar walba qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada bulsho ee u taagan, isuna xilsaara, sidii dalku u yeelan lahaa hoggaan siyaasadeed oo u adeega danaha guud ee bulshada Somaliland, aniga oo marwalba codkayga, oo qalin iyo abaabulba leh, ku biirin jiray dedaal walba oo lagu saxayo mar kasta oo uu hoggaanka bulshadu qaado jid baydhsan.
Waxa aan ka mid ahaa qoraayada hablaha ah ee dal ay haweenkiisu ku yar yihiin saaxadda cabbirka fekradaha. Waxa aan goor walba ku foogganaa sidii bulshada qaybaheeda kala duwani ay, si siman, uga wada qaybqaadan lahaayeen talada dalka, aniga oo, in badan, codkayga ugu hadlay qof ama koox la duudsiyay. Waxa aan markasta u arkayay waajib i saaran oo aan ku baraarugsanaa in uu iga mudan yahay muwaaddinka dalkaygu.
Haddaba, aniga oo dhab u og in sida ugu mudan ee wax loo sixi karo, muwaaddinka xaqiisa lagu difaaci karo, islamarkaana lagu meteli karo bulshadu ay tahay; in la tago goleyaasha lagu jaangooyo masiirka ummadda, waxa aan go’aansaday in aan isku soo taago doorashada Golaha Wakiillada ee qabsoomi doonta sannadka 2026, aniga oo iska sharraxaya gobolka Maroodijeex.
Waxa aan meteli doonaa cid kasta iyo dan kasta oo aan kolkii aan bannaanka joogayba ku meteli jiray qalinkayga iyo codkayga, waxana aan ka shaqeyn doonaa sharciyo ka jawaabaya xuquuqda muwaaddinka iyo baahiyaha adeeg, waxan gudan doonaa waajibka dastuuriga ee la xisaabtanka iyo dheellitirka awoodda fulinta.
Sidaa awgeed, waxa aan ka codsanayaa dadweyneha gobolka Maroodijeex, rag iyo dumar, saaxiibbaday, ehelkayga, iyo si gaar ah haweenka gobolka, in ay igu taageeraan gaadhista hadafkaas.
Xamda Maxamed Xuseen
Hargeysa, Maroodijeex.