Gabiley,(HargeisaPress)– Munaasibadda Xil-wareejinta Badhasaabkii Hore Gobolka Gabiley Mudane Maxamed Cabdilaahi Jaamac Bookh Iyo Badhasaabka Cusub ee Gobolka Gabiley Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan Doob, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gabiley.
Wasiiro ka Socda Xukumadda, Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda, Maayarka Gabiley, Xoghayaha Fulinta Iyo Xildhibaanadda Golaha Deegaanka, Cuqaal, Waxgarad, Haween Iyo Dhalinyaro ayaa kasoo qaybgalay munaasibadan ay xilka kula kala wareegayaan labada Badhasaab.









































