Biyo La’aan Ka Taagan Degmada Xaaji Saalax Ee Gobolka Daad-madheedh

0
354

Oodweyne (HP): Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad-Madheedh ayaa ka warbixiyey xaaladda Abaareed ee ka jirta degmadaas iyo deegaamada hoos yimaada.

Guddoomiyaha degmada Xaaji  Saalax Cali Muuse Faarax,  ayaa sidoo kale kormeer ku tegay cusbitaalka degmadaasi iyo dhulka loogu talo galay in laga hirgeliyo Dhaam biyood ay yeelan doonto degmada Xaaji  Saalax oo ay dadku ka cabi doonaan xiliyada abaaruhu ay jiraan.

Waxaanu guddoomiyuhu ka warbixiyey dhulkaas loogu talo galay Dhaam biyoodkaas,isaga oo ka codsaday wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland in si deg deg ah loo bilaabo dhismaha Dhaambiyoodkaas oo uu sheegay in uu hore u balan qaaday dhismihiisa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi.

Cali Muuse Faarax, waxa uu sidoo kale kormeer ku tegay cisbitaalka degmada Xaaji  Saalax oo uu sheegay in ay hirgelisay dawladdii hore ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Waxaanu tilmaamay in bulshada deegaankuna ay ku darsatay qaybo cusub oo ay hadda ka dhiman yihiin cisbitaalka qolkii Qaliinka, qolkii uu dhakhtarku fadhiisanaayey, Dayr lagu xidho cisbitaalka, Farmasigii cisbitaalka iyo qalabayntii cisbitaalka.

Guddoomiyaha ayaana ka codsaday wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland in si deg deg ah loogu hawl galo dhamaystirka cisbitaalkaas.

Geesta kale Cali Muuse Faarax,  waxa uu  sheegay in ay degmadaas iyo deegaanada ku xeeranba ka jirto xaalad biyo la’aaneed.

Waxaanu u soo jeediyey bulshada deegaankaas iyo xukuumadda Somalilandba in gacmaha laysu qabsado sidii dadkaas biyo dhaamis loogu samayn lahaa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here