Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo oo maalintii 11-aad galay ku marayey gobollo badan oo dalka kamid ah, ayaa caawa kusoo hoyday magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka kasoo baqoolay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isla markaana kulammo shaqo oo kala duwan ku qaatay magaalooyin tiro badan oo ku teedsan inta u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo, ayaa caawa fiidkii hore kusoo hoyday magaalada Burco.
Waxaana safarka madaxweynaha faah-faahin ka bixiyey Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid loogu kuurgelayey xaaladda dalka, isla markaana lagu dardargelinayey mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo deegaanno badan oo gobollada Bariga dalka ah, laguna dhagax-dhigay mashaariic hor leh oo xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelin doonto.
Daawo Afhayeenka Madaxweynaha oo Ka Warbixinayay Safarka Madaxweynaha:
Geesta kale madaxweynaha iyo weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu la hadlay shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Gadh-gumreed, Berkadda Cali Xirsi, War-idaad, Xayira, Ina Af-madoobe iyo Beer.
Iyadoo dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ay madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn usoo dhaweeyeen, una gelbiyeen dhinaca guriga madaxtooyada magaalada Burco.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office