Laascaanood (HP): Wefti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta safar kormeer ah ku tagay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sool.
Kormeerkaasi waxaa wasiirka daakhiliga ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, Taliyaha Qaybta Booliska Sool iyo Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka, iyo masuuliyiin kale.
Waxaanay weftigaasi kormeerkoodda ku soo mareen deegaano badan oo ka kala tirsan degmooyinka Xudun iyo Laascanood ee gobolka Sool.
Weftidan ayaa ujeedka safarkoodu ahaa u kuurgalka xaalada deegaanadaasi iyo xogogaal u noqoshaha xaalada nabadgalyo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.