Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Gaadhay Dalka Holland

0
366

Holland (HP): Wefti uu hogaaminayo madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa maanta lagu soo dhaweeyey dalka Holland.

Weftigaasi oo shalay u ambo-baxay safar ay ku soo marayaan wadamo ka tirsan qaaradda Europe, ayaa maanta gaadhay dalka Holland.

Waxaana weftiga madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu hogaaminayo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay waddanka Holland.

U jeedada socdaalka weftigan uu hogaaminayo C/raxmaan Saylici, ay ku tegeen Yurub, ayaa salka ku haya kor u qaadista dedaalka loogu jiro qadiyada aqoon si raadinta Qarranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Soo badhigista fursadaha maalgashi ee dalka ka jira, iyo xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo dalalka qaarrada Yurub.

Sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo ka warbixinayay u jeedadda safarkoodda.

Waxaanu yidhi “Safarkan ayaa ujeedadiisu tahay kor u qaadista qadiyada Somaliland, iyo in aanu kulamo caalami ah lagu bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka caalamiga ah ee jamhuuriyadda Somaliland”.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa jaaliyada reer Somaliland ee waddanka Holand uga mahad naqay soo dhaweynta heerka sarre ah ee ay u sameeyeen isaga iyo waftigiisa.

Waxaanu ku ammaanay sida ay mar kasta diyaarka ugu yihiin soo dhaweynta madaxdooda iyo sida ay uga muuqato waddaniyada iyo dal jacaylku.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here