Shir Balaadhan Oo Lagag Wada Hadlayey Adkaynta iyo Xoojinta Amaanka Labada Dal Ee Itoobiya iyo Somaliland oo isla maanta ka gurmay magaalada Gabiley”
Gabiley, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta heer gobal iyo heer degmo ee gobalkani gabiley oo ugu horeeyo maayar mahamed aaamin cumar abdi iyo badhasaabka hamse mahamed abdi ayaa soo dhaweeyey wafti baaladhan oo kazoo kicitimay dawlad deegan ethopia ee somaalida iyagoo waft maalintii shalay ahayd soo cago dhigtey guriga martida ee gabiley hadaba ujeedada sawftigan ayaa xambaarsan xidhiidhka iskaashi ee amniga oo qusseya gobalada m/jeex iyo gabiley sidoo kale faafan iyo jaran hadaba xidhiidhkan iskaashi ee laba geesood ah ee labada wadan ethopia iyo s/land oo amniga ayaa shir laba cisho ahi ugu furmay hallka jaamacada tima,ade wajigii kowaad ee shirka ayaa masuuliiyiinta labada dhinac ayaa kaga wada arinsanayeen xoojinta xidhiidhka nabadgalyada soohdimaha ayaa wadaaganka gobalka gabiley iyo dawlad deegan somaalida ethopia
Hadaba waxa ugu horayn halkaasi ka Hadley wasiir dawlaha amniga qaranka oo aad u sheegay iney mihiim tahay in kor loo qaado xooojinta iyo xidhiidhka amniga ee udhaxeeya labada dawladood maadama ay ood wadaag yihiin markasta loo baahan yahay in la joogteeyo xidhiidhka nabadgalyada madaama ay geeska Africa ka jiraan xaalado amni daro loona baahan yahay in laga gaashanto xilna la iska saaro taasina ay xoojin doonto xidhiidhka ka dhaxeeya xidhiidhka nabad galyo ee gobalada m/jeex gabiley faafan iyo jaran.
Sidoo waxa iasaguna hadalo kooban ooo quseeya xooojinta iyo xidhiidhka amniga ay wada yeelan doonan gobaladani isna halkaasi ka sheegay maayar mahamed aamin cumar abdi oo dhinaciisaa ku sheegay inuu shirkan horseedi doona xoojinta amniga ee labada dhinac isagoo ugu waftiga ka socda dawlad deeganka ethopia.
Sidoo badhasaabka gobalkani gabiley Hamse Mahamed Abdi ayaa isaguna dhinaciisa ku sheegay shirkani inuu yahay wax loo baahan ee dawlada ahaan iyo xidhiinka gobalada ay xoojin doonta si tahriibka uyaraado.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com