Berbera (Hargeisa Press)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dekedda caalamiga ah ee Berbera.
Socdaalkan waxa qayb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland Xamse Khayre iyo La-taliyeyaal ku takhasusay kormeerka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Ujeedada kormeerkan ballaadhan waxa ay ahayd in si toos ah loogu qiimeeyo awoodaha iyo adeegyada dekedda Berbera, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha maareynta badeecadaha, xoolaha nool, iyo hababka casriga ah ee keenaya koboc dhaqaale.
Dekeddu waxa ay hoy u tahay ganacsi iyo shaqo-abuur, isla markaana qayb ka ah qorshaha qaranka ee kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Maareeyaha dekedda, Cali Diiriye Axmed, ayaa waftiga ku soo dhaweeyay si diirran, isaga oo warbixin dhammaystiran ka bixiyay horumarka dekeddu ku tallaabsatay, fursadaha ganacsi ee ay bixin karto, iyo sida ay ugu adeegi karto danaha istiraatiijiga ah ee dalka.
Kormeerkan waxa lagu tilmaami karaa mid ka mid ah tallaabooyinka yididiilo gelinaya mustaqbalka ganacsiga Somaliland, maadaama uu isku xidho saddex tiir oo muhiim ah: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ah laf-dhabarta dhoofinta xoolaha, Baanka Dhexe oo hubiya nidaamka haynta maaliyadeed iyo hufnaanta dhaqaalaha, iyo Dekedda Berbera oo ah albaabka ay badeecaduhu ka galaan isla markaana ka soo baxaan dalka.
Dhacdadan waxa ay xambaarsan tahay fariin ballaadhan oo ah in koboca dhaqaale aanu ku iman hadal iyo qorshe kaliya, balse uu ku iman karo iskaashi dhab ah, kormeer joogto ah, iyo hubinta in kaabeyaasha dhaqaalaha ay la jaanqaadaan isbeddellada adduunka.




















