Wefti ka socda Baanka Somaliland oo shir kaga qaybgalay dalka Kenya

0
1214

Mombasa (Hargeisa Press)- Wefti ka socday Baanka Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa ka qayb galay kulanka sannadlaha ah ee Shirweynaha Guddiga Gobolka Afrika oo ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Kulankaas waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Caalamiga ah ee caymisyada dhigaalka ee IADI iyo Shirkadda Caymiska Debaajiga Kenya ee (KDIC).

Kulanka, ayaa ujeeddadiisu daarnayd xoojinta nidaamyada loo maro xalinta Culaysyada maaliyadeed ee ku iman kara bangiyada iyo ilaalinta kalsoonida macaamiisha.

Waxaa kulankaas lagu gorfeeyey sidii loo dhaqan-gelin lahaa strategy-yado iyo qorshayaal maaliyadeed oo lagu dawayn karo khataraha ku iman kara dhigaalka bangiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona kobcin lahaa kalsoonida dadweynaha.

Geesta kale, weftiga Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Xamse Cabdiraxmaan Khayre uu hogaaminayey ayaa kulamo midho-dhal ah oo barbar socday la yeeshay Marwo Yvonne Fan, Guddoomiye Ku-Xigeenka CDIC oo ah hay’adda Caymiska dhigaalka ee dalka Taiwan sidoo kalena ah xubin ka tirsan Golaha Sare ee IADI oo ay u qaabilsan tahay Guddida lafo-gurka ee IADI.

Labada dhinac, ayaa ka wadahadlay fursadaha iskaashiga ee dhismaha qaybta caymiska dhigaalka ee Bangiga Dhexe Somaliland, taas oo is-afgarad weyn ay ka  gaadheen.

Kulankani waa bilow wanaagsan oo u bilaabmaya Hay’adaha Dhinaca Maaliyadda ee labada dal ee mataanaha ah ee Somaliland iyo Taiwan.

Ugu dambayn, weftiga Baanka Somaliland ka socday, ayaa gaar gaar ula kulmay hay’adaha caymiska dhigaalka ee dalalka Nigeria, South Africa, Kenya, Ghana, Namibia iyo Turkey-ga shirarkaas oo dhamaantood kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad buuxa.

Weftiga Baanka ka socday waxa ka mid ahaa:

1. Agaasimaha qaybta korjoogteynta hay’adaha maaliyadeed, Maxamed Cabdilaahi Cali.

2. ⁠Agaasimaha qaybta Slsiyaasadda lacagta Baanka Somaliland, Abshir Cabdi Maxamed.

3. La-taliye sare ee Baanka Maxamuud oo ah khabiir sare ee Caymiska dhigaalka Baananka.

Baanka Somaliland, ayaa wada dadaalo iyo qorshayaal dib u habayn loogu samaynayo hannaanka Maaliyadda dalka iyadoo la raacayo siyaasadaha Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Cabdinaasir Axmed Xirsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here