Wefdigii Xukuumadda Ee Safarka Ugu Maqnaa Ghana oo Dalka Kusoo Laabtay

0
646

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wefdigii Xukuumadda Somaliland ee ka koobnaa laamaha dowlada ee safarka ugu maqnaa dalka Ghana, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa.

Wefdigan xukuumadda, ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport magaalada Hargeysa.

Waxa wefdigan hogaaminayay hanti-dhawraha guud ee qaranka, iyadoona ay ka mid aheen Guddoomiyaha guddiga Qandaarasyada Qaranka, Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka, Guddoomiyaha Maamul Wanaaga Somaliland,Agaasimaha guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dowlada, Agaasimaha fulinta Mach-adka Tababarka shaqaalaha, Madaxa Mashruuca dib-u-habeynta shaqaalaha dowlada iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan mach-adka Shaqaalaha dowlada.

Wefdigan intii ay ku sugnaayeen dalka Ghana, waxay ay kulamo la qaateen Hay’addaha dhigooda ah ee dalka Ghana iyo Baarlamaanka dalka Ghana. Waxayna ka wada hadleen iskaashiga labada dowladood ee Somaliland iyo Ghana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here