Weerar Loo Adeegsaday Qarax iyo Rasaas oo Ka Dhacay Muqdisho

0
1044
Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Hargeisa Press) – Booliiska Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen hoteel ganacsi oo ku yaal bartamah magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo loo diray saxaafadda, ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox “Khawaarij” ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya, ayaa intaas ku daray in ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Booliiska, ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax, kadibna maleeshiyaad ay weerareen hotelka.

Qaraxa hore, ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm wakhtiga Muqdisho.

Al-Shababa, ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan. Villa Rossa, ayaa la sheegay inay tahay goob ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyinta Dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dawladda Soomaaliya ay toddobaadkii hore sheegtay inay muddo saddex bilood ah hawlgallo socday ay ciidamada dawladda iyo dadka degaanku ku dilene in ka badan 600 oo mintiidiin ah, kuna dhaawaceen 1200 kale, halka ay qabsadeen 68 degaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here