HARGEISA, (HargeisaPress) — Hawlwadeenada Amaanka Madaarada Somaliland ayaa maanta Tababar Xirfadooda kor loogu qaadayo loo furay, Tababarkan oo uu Shaqaalah Amaanka u furay saak Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani) ayaa waxaa soo qaban qaabiyey, Shirikada Amaanka ee Madaxa banana ee marka magceeda la soo gaabiyo la yidhaa SRM iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland.
Munaasibada Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Duulista Hawada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Madaxa Tababarada Shirikada Amaanka ee SRM.
Ugu horayan waxaa faahfaahin ka bixisay tababarkaasi Nawaal Axmed Saleeban oo Madaxa Tababarada SRM waxaanay tidhi:-
“Saaka waxaanu Tababar u furanay Hawlwadeenada Amaanka Madaarada Somaliland, Tababarkan oo ay bixindoonaan Khabiiro ku taqaqusay Amaanka Madaarada (Aviation Security expert), waxaana uu socon doonaa muddo laba Wiig ah.”
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sayid C/laahi Aadan oo halkaa ka hadlay ayaa kaga dhawaaqay Go’aamo hor leh oo ay soo saartay Wasaarada Duulistu, waxana hadlkiisii ka mid ahaa:-
“Tababarkani waxa uu la mid yahay, Tababardii hore laydiinsiin jiray eek or loogu qaadi jiray aqoontiina, markii la aasaasayey Shirikada SRM, ayaa waxa mid ka mid ah Khabiirada bixinayey Tababaradii ugu horeeyay , waxa ay su’aashiisa 1aaad ahayad ee uu waydiinayey Hawlwadeenada Amaanka, Ma Jeceshahay Dalkaaga, taas oo macnaheedu noqonayo hadaanad Dalkaaga Jeclayan, Shaqada ahmiyad ma siinaysid, oo dhibta iyo daalka uma adkaysanaysid.”
“dhamaan Dalkeena waynu jecelahay Amnigiisana waynu wada ilaalinaynaa, Dadka rakaabka ah ee Madaarka ka dhoofa haday yihiin Reer Somaliland,haday yiiihn Dadka Geeska Africa Degan, haday yihiin dadka Caalamka inooga imanaya dhamaantood, waxaanu la socodsiinaynaa in baadhistii Madaarada Somaliland oo dhan sare loo qaaday, in goobihii wax lagu baadhayey la kordhiyay oo aanu qofka Rakaabka ahi aanu dhib u dareemin hadii baadhitaanadu ay intii hore ka bataan, waayo xaalada Amniga ayaa khasbaysa, in la ilaaliyo Diyaarada iyo rakaabkeeda, Arintii ugu danbaysay ee Diyaaradii Garoonka Muqdisho ka kacaday ee la qarxiyey markii ay dhacaday, waxaanu soo kordhinay, in aanu joojino dhamaan wixii Dareere ah in Diyaaradaha lala raaco, ee ama gacanta lagu qaadan jiray ama Shandadaha lagu ridi jiray, Dareeraha hadaan fasiro waa Biyaha, waa shraabka, waa Subaga, waa Muqmada, waxa ka magnuuc ah in ay ka baxaan Garoomada Somaliland Dadka iyo Shirikadahaba waanu u sheegaynaa in aanay ku soo lugo’in, sidoo kale Laptop-yada mid walba waa la shidayaa, Laptop aan shidmayan cidi Garoonka kama dhoofindoonto, Biraha Baabuurta, Diyaaradaha, Mishiimada, ee furfurka ah iyagana waanu joojinay.”
Wasiirka Duulista iyo Hawada Cismaan C/laahi Saxaradiid oo halkaa isna ka hadlay ayaa waxa fariimo uga Diraya Baarlamaanka Somaliland iyo Maamulka Dawlada Somaliya, isga oo la hadlaaya Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi:-
“Maanta Madaxtooyada Somaliland waxa ay Xeerka Duulista Hawada ku Celinaysaa Baarlamanka Somaliland, Xeerkaasi mudo ayuu rafanayey, marna waxa uu gaadhayey Guurtida, marna waa laga soo celinayey iminka markii ugu danbeeyay, waxa uu yaala isga oo aan la isla afgaran, waxaanu ku boorinaynaa Gudoomiyaha Baarlamaanka J/S/L Mudane C/raxmaan iyo Baarlamanka J/S/L dhamaantood, in ay Xeerkaasi sidii dawladu u soo gudbisay, ay u gudbiyaan, Xeerka Duulista Madaniga ah ee S/L , waxa weeye %70 waxa uu ka kooban yahay Shuruucda aduunka , maaha Madaarku Dukaan Qof haysto, ama Bakhaar qof haysto oo uu leeyahay, Madaarkan waxaa Xukuma Shuruuc Caalami ah oo ay Adoonyada oo dhami ay leedahay, %30 soo hadhay waxaa lagu daneeyaa Dantaa gaar ee Wadankaasi leeyahay siday doontaba ha noqotee.”
Wasiir Cadaani isaga oo ka hadlaaya amaradii is khilaafsanaa ee ay Dawlada Somaliya kaga hadashay Duulimaadyada ka taga Hargaysa S/L ee taga Muqdisho Somaliya, ayaa waxa uu yidhi:-
“baryahan danbe hadalo ayaa socsocday, ka soo yeedhayey Dalka Somaliya ama Dawlada Somaliya, hadlo ismaandhaaf ah run ahaantii, oo Madaxa Socdaalka iyo Wasiirka Duulistu ay ku kala duwan yihiin, anaga sida aad ka war haysaan Hadaanu nahay Wasaaradda Duulista S/L kamaanu hadal aritaas, oo waxaanan uga hadlin macluumad ayaanu baadhaynay, waxan Dadweynaha J/S/L, iyo Somaliya, iyo Caalamka u sheegaya in aanay jirin wax alla wax fulin ah oo Dawlada somaliya, Somaliland Duulimaadyo kaga joojin kartaa , waayo Dawlada S/L waa xor oo Dadkeeda ayaa u codeeyay mudo 25 Sano ah, haday Dhulkeeda tahay, haday Badeedatahay, iyo haday Cirkeeda tahayba iyagaa u Taliya oo cid kale oo ay u daba fadhiisanayaan ma jirto, waxa kale oo jira Maanta Hawada inaga iyo Somaliya inaga dhaxaysa, waxaa Xukuma Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabisan Duulimaadyada ee Marka Magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa( ICAO) oo Gacanta ku haysa, waxa kale oo jira Heshiis Madaxwenaha Somaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ay galeen, oo ku saabsan Hawada labada Dal, heshiiskaas oo Caalamku ogaa, waxaad moodaa in Dawlada Somaliya ka noqotay, ama ay ku rafanayso, anagu hadii anu nahay Wasaaradda Duulista S/L ee uu hogaamiyo Madaxweynaha J/S/L waxaanu Caalamka u sheegaynaa , in aanu aaminsanaahy heshiiskii labada Madaxwene saxeexeen, hadii wax lagaga noqonayana in aanan marnaba, aanaan ogalaanayn, in aan madaxbanaanida Hawadayada aanu Cidkale u dhiibno.”
Dhanka kale waxaa uu Wasiirku ku eedayey Dawlada somaliya in ay jabisay Xeerarka Duulimaadyada Aduunka ee ay soo saaratay ICAO, iyo , Chicago Chicago conviction.
Wasiirku waxa uu sheegay in ay Madaarada Soamlialand iticimaali karaan Dadweynaha reer Somaliya hadii ay sitaan Basboorka Wadankooda oo ay dhawrayaan Shuruucda Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in Madaarda ku soo dhaweynahaan marka ay Madaxda Somaliya Diyaaraduhu la soo fadhiistaan ee uga sii gudbayaan Wadankooda Ama Wadamada kale, in ay u furayaan qolka nasashada ee VIP-da sida ay ugu furaan Madaxda Wadamada Jaarka iyo Caalamkaba.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa