“Waxaanu u ololayneynaa in la helo Qoondo/Kootada Haweenka siinaysa kuraas ay gaar ugu tartamaan” Agaasimaha Dallada Nagaad

0
790

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha fulinta ee Dallada isku xidhka Haweenka Somaliland ee Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed, ayaa waxaa ay ka warbixisey daah-furka barnaamijka Dooro Xildhibaanad oo ay Dallada Nagaad ka daah-furtay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha fulinta ee Dallada Nagaad, ayaa waxaa ay sheegtay in barnaamijkani uu yahay mid ay ku taagerayaan haweenka sharraxan.

Waxaa ay sidoo kale xustay in ka Dallad ahaan ay ku dedaalayaan inay Haweenka sharaxan helaan caawimada ay u baahan yihiin, si loo helo haween ku guuleysta golayaasha qaranka.

Agaasimaha Dallada Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed, ayaa sheegtay in ay ka Dallad ahaan u ololaynayaan in la helo qoondo/Kootada, haweenka siinaysa kuraas ay gaar ugu tartamaan.

Sidoo kale, waxaa ay tilmaamtay in Kootadu ay tahay hannaan dalal badan ku xalliyeen caqabaha dumarka ka haysta ka qaybgalka siyaasadda.

Agaasimaha Dallada Nagaad, ayaa waxaa ay sheegtay in ay diyaariyeen buug ka waramaya kootada ahmiyaddeedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here