Wasiiro caawa iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi

0
3394

Hargeysa (Hargeisa Press)- Laba Wasiir ku xigeen oo ka tirsanaa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa iska casilay xilalka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye.

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed, ayaa caddeeyay in uu iska casilay xilka uu Xukuumadda ka hayey.

Waxaanu sheegay in uu codka xisbiga siinayo Xisbiga talada haya ee Kulmiye, halka uu codka Madaxweynaha ku dooran doono Musharraxa Madaxwaynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Waxbarashada Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi, ayaa isna cawayskii caawa sheegay inuu iska casilay xilkaas iyo xubinnimadiisii xisbiga Kulmiye.

Xubno badan oo xilal ka hayey Xisbiga Kulmiye, kuwo xubno ka ahaa iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Muuse Biixi, ayaa is casilayey afartii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ku biirayey Xisbiga Waddani.

Balse, caawa waxaa bilaabmay inay shaqada ka tagaan labada Wasiir ku xigeen, waana labadii wasiir ee ugu horeeyay ee iska casila xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Maaha markii ugu horeysay ee ay is casilaan wasiiro ka tirsan Somaliland, iyadoona ay hore sidan oo kale isku casileen wasiiro iyo masuuliyiin, xilliga ay soo dhawaato doorashooyinka madaxtinimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here