Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Tababar U Soo Xidhay Isu-duweyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa

0
1095

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka  iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa maanta tababar muddo laba bilood ah socday ugu soo xidhay magaaladda Hargaysa isu-duweyaasha goboladda iyo shaqaalaha wasaaradda.

Tababarkaasi oo socday muddo laba bilood ah ayaa isu-duweyaasha wasaaradda ee goboladda iyo shaqaalaha ba waxaa la barayay amuurro ku tacaluqa dastuurka Somaliland iyo sidii ay xog iyo faham buuxa uga heli lahaayeen.

Munaasibadda xidhitaanka tababarkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,  guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka qaranka Somaliland.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka,  agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, xildhibaano ka tirsan goleyaasha baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo tababarka u soo xidhay isu-duweyaasha iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa sheegay in ummad kastoo aduunka ku nool ay leedahay xeerar iyo shuruuc ay ku kala socoto.

Waxaanu yidhi “Ummad waliba waxay leedahay xeerar iyo axdi ay ku shaqayso, oo ay ku kala socoto, oo u kala jideeya waajibaadka ay kala leeyihiin, kaasi na waa dastuurka. Waxaan filayaa kolay bulsho khalad lagama waayee, khalad kastoo dhaca iyo qabyo labadaba”.

Maxamed Xaaji Aadan, waxa kaloo uu tilmaamay in marka bulshadda la barro dastuurka dalka inuu Dabar u noqonayo khaladaadka dhaca, isla markaana uu qof waliba garan doono waajibaadka uu leeyahay iyo dariiqa saxda ah ee uu u marayo.

“Waxaa qaran qabyadiisu yar tahay, oo qaladkiisu yar yahay aynu ku heli karnaa markaynu dastuurkeena barano, oo dabadeed na  aynu ku dhaqano. Markaa wuxuu noqonayaa Dabar ummadaa u horseeda in ay garato waajibka ay leedahay, oo qof waliba uu marro wadadda uu leeyahay”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Maxamed Xuseen Dhabeeye, agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay tababarkaasi iyo waxa uu ku saabsanaa.

Waxaanu yidhi “Tababarkaasi waxa uu ku saabsanaa dastuurka qaranka Somaliland. Wuxuu na socday muddo ilaa laba bilood iyo dheeraad ah, tababarkaas ayaanan maanta halkan ku soo gebagebaynaynaa. Dadkii hawshaa ka qayb qaatay na waan u mahad naqaynaa”.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Xasan, oo isna xidhitaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay  in muhiimad weyn ay leedahay ib bulshadda la barro dastuurka gaar ahaana wasaaradaha dawladda.

“Way fiican tahay in dadkeena la barro dastuurka. Waayo? Dadkeenu ma wada yaqaanaan dastuurka. gaar ahaan weliba wasaaraduhu. wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka in laga bilaabana aad ayay u fiican tahay, in shaqaalaha dawladda la baraana waa muhiim”ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Sidoo kale waxaa iyad na madasha ka hadlay xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland, guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka qaranka waxaanay soo dhaweeyeen tallaabadan ay wasaaradu ku dhaqaaqday ee bulshadda lagu barayo dastuurka.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here