Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Furay Kulan Ay Ka Faa’iidaysan Doonaan 350 Dhalinyaro

0
517

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aaden Cilmi, ayaa furay kulan la xidhiidha barashadda dastuurka.


Kulankaasi ayuu wasiirku ka daah-furay xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ee magaaladda Hargaysa.
Kulankaasi oo socon doona muddo toddoba maalmood waxaa ka faa’iidaysan doona in ka badan 350 dhalinyaro ah oo muddo laba bilood ah wax ka baranayay xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda.
Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aaden Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.


Agaasimaha waaxda horumarinta Dastuurka ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha Cabdirisaaq Yuusuf Danaakiil, Madaxa Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Ibrahim Cabdiraxmaan Cabdilaahi.
Qaar ka mid ah macalimiinta xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada, La taliye Hanad Darwiish iyo Gaashaanle Sare Xujaale oo Ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliland.


Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo madashaasi furey ayaa dhalinyaradaasi ku boorriyay in ay noqdaan farriin sidayaal iyo wakiillo bulshada inteeda kale gaadhsiiya cilmiga ay ka Barteen xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Somaliland.
Waxaanu wasiirku intaasi raaciyay in dhalinyaradani ay yihiin kuwo ay wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ku faani doonto.
Isagoona maamulka iyo hawl wadeenada xarunta barashada Dastuurka iyo Waddaniyada ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.
DAAWO: Warkaasi:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here