Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxman Good, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda hay’adda W.H.H.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha Ceelasha Dhaadheer iyo Dhaamamka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay dardargelinta iyo kormeerka mashaariicda hadda socda, bilaabista kuwa hakadka ku jira, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo adeegyada biyaha ee bulshada.
Kulankan ayaa muhiim u ah sidii kor loogu qaadi lahaa waxqabadka mashaariicda biyaha, looguna adeegilahaa baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
























