Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Qaabilay Weftiyo Ka Kala Socday Sweden iyo DP World

0
1167

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee shirkadda DP World u qaabilsan Somaliland Mr. Supachai Wattana Veerachai.

Ujeedada kulanka ayaa ku saabsanayd sidii loo abuuri lahaa iskaashi iyo wada shaqayn dhexmarta wasaaradda warfaafinta iyo shirkadda caalamiga ah ee DP World si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha mashaariicaha horumarineed ee shirkadda DP World ka wado Somaliland.

Madax guud ee shirkadda DP World ee Somaliland u qaabilsan Mr. Supachai Wattana, oo halkaasi ka hadlay ayaa wasiirka warfaafinta uga mahad celiyey marti qaadka uu u fidiyey wuxuuna soo dhaweeyey wada shaqayn dhex marta wasaaradda warfaafinta iyo shirkadda DP World, isagoo ballan qaaday inuu tageero la garab istaagayo warbaahinta dawladda.

Kulankan waxa wasiirka ku wehelinayey agaasimayaasha waaxyaha Telefishanka Qaranka Maxamed Xasan Cali (Weji), wada xdhiidhka qaranka Muna Maxamuud Toosane iyo Qorshaynta iyo Istaastikadda C/qaadir Dayib Askar.

Geesta kale, wasiirku wuxuu xafiiskiisa kulan kula yeeshey wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo wakiilka Somaliland u fadhiya dalkaasi.

Waxaana lagaga wada hadlay horumarinta saxaafadda Somaliland ee dhinacyada aqoonta iyo tababarrada  iyo xidhiidh ay wada yeelan doonaan Telefishanka qaranka Somaliland iyo Telefishanka dalka Sweden.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden Mudane Sakariye Wacays ayaa wasiirka  uga mahad naqay kulanka, waxana uu sheegey in ujeedada waftigan uu hor kacaaya dalka u yimaadeen ay tahay sidii ay xidhiidh dhaw ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta gaar ahaan Telefishanka Qaranka Somaliland.

Mr. Henrik  Silver, oo ah wariyaha arrimaha diblimaasiyadda ee Telefishanka SVT News ayaa soo dhaweeyey dedaalka wasaaraddu ugu jirto dhamaystirka xeerka saxaafadda Somaliland, waxaa uu sidoo kale uu sheegey in telefiishankoodu wada shaqayn dhaw la bilaabayo Telefishanka Qaranka.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here