Wasiirka Qorsheynta Somaliland oo hal arrin ku bogaadisey Xildhibaanada Golaha Wakiillada

0
1547

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa waxaa ay ka dareen celisey codkii aqlabiyada ahaa ee ay shalay ku ansixiyeen Xildhibaan aqalka Golaha Wakiillada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa ka mid ahayd 19 Wasiir oo ay maalinimadii shalay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilladu.

Wasiirka, ayaa intii aan la ansixin Golaha ka horjeedisey khudbad dhinacyo badan taabaneysa, taasi oo ay si qoto dheer ugu soo bandhigay, qorsheyaasha wasaaradda, siyaasadaha uga meel yaal, kuwa ay ku hagayso iyo qaabka ay ku waajahayso.

Intaasi kadib, Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland, ayaa markii ay khudbadeeda dhamaysatey, waxaa cod aqlabiyada ku ansixiyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada.

Waxaana Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan, si mabsimi leh oo maamuus ku dheehan yahay ku ansixiyay Xildhibaanada aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, Iyadooda Wasiirka ay u codeeyeen 65 Xildhibaan, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay.

Hadaba, Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa qoraal ay ku baahisey bogeeda Facebook-ga, ku booggaadisey, mudanayaasha goluhu qaabkii habsamida lahaydb ee ay ku ansixiyeen.

“Waxaan mahad naq balaadhan u dirayaa Golaha Wakiilada Somaliland  oo 06/01/25,  ii ansixiyay magacaabista Wasiirka Qorshaynta iyo Horrumarinta Qaranka ee uu ii magacaabay Madaxweynaha Qaranku Muddane, C/raxmaan Maxamed Cabdillahi. Muddanayaasha oo golaha ku fadhiyay lixdan iyo Shan (65), dhamaantoodna ay ii codeeyeen, waxaan leeyayay muddanayaal aad ayaad u mahadsantihiin.” Sidaas ayay qoraalka ku tidhi Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka Somaliland Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here