Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay wafti sare oo uu hoggaaminayey Mr. Etienne Peterschmitt, Madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, ayaa ujeeddadiisu ahayd xog-waraysi iyo dardargelinta wadashaqaynta u dhaxaysa FAO iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada Qorsheynta Horumarka, Sugida cuntada, iyo Xoojinta mashaariicda la xidhiidha deegaanka iyo horumarinta beeraha.
Wasiir Kaltuun ayaa uga mahadcelisay haayada FAO doorka muuqda ee ay ka qaadato horumarinta Somaliland, iyadoo xustay in wada-shaqayntu tahay furaha guusha mashaariic waxtar leh oo waqti dheer socon kara. Waxa kale oo ay muujisay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay inay si dhow ula shaqayso FAO iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo yoolalka horumarineed ee qaranka.
Dhankiisa, Mr. Peterschmitt ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay FAO inay sii xoojiso taageerada ay siiso Somaliland, isaga oo wasiirka ku bogaadiyey bogaadiyey hannaanka qorsheynta ee ay Wasaaraddu hirgelisay si loo helo horumar waara oo ku saleysan xog sugan.
HargeisaPress News Desk– Hargeysa