Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dib ugu soo laabatay masraxa caalamiga ah, iyadoo ku soo bandhigaysa fursado istaraatajiyaddeed oo dhinaca maalgashiga ah.
Wasiirka madaxtooyadda oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee dawladdaha adduunku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter).
Wasiir Khadar Xuseen wuxuu xusay in Somaliland ay muhiimad u yeellayso bogcada ay ku taallo ee Badda Cas, Marinka Baa’bul Mandab, deganaanshaha siyaasadeed iyo mashaariicda horumarinta ee shirkadda DP WORLD ku samaysay marsadda Berbera.
Wasiirka, ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay ay noqonayso xuddunta ganacsiga Bariga Afrika.
Dhanka kale, Wasiirka madaxtooyada Somaliland wuxuu bayaamiyay in Somaliland ay leedahay khayraad dihin sida Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha.
Wasiirka madaxtooyadu wuxuu caddeeyay in la joogo wakhtigii ay maalgashadeyaashu ay ku soo biiri lahaayeen tubta Somaliland ay ku doonayso isbeddelka dhaqaale iyo inay xidhiidh la yeellato caalamka.