Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo kormeeray dekedda Kalluunka ee Berbera

0
771

Berbera (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horrumarinta Xeebaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa kormeeray dekedda Kalluunka, halkaasi oo ay si habsami leh uga socotay shaqada kalluumaysigu.

Wasiirka, waxaa kormeerka ku wehelinayay La-taliyahiisa, Agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha madax xafiiseedada wacyigelinta xidhiidhka gobolada iyo Isuduwayaasha gobolada dalka.

Waxaana uu wasiirku warbixino ka dhegaystay Kalluumaystada magaalada Berbera ee ku sugnaa shaqo maalmeedka kalluunka.

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa sidoo kale waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee wasaaradda Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil, halkaas oo uu Isuduwaha gobolku sharaxaad dheer ka siiyay shaqada ka socota gobolka iyo xarunta wasaaradda Kalluumaysiga iyo horrumarinta xeebaha.

Si kastaba, iyadoo lagu jiro xiligii xagaaga bad xidhanka, ayaa hadana Wasaaradda Kalluumaysigu ku hawlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here