Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Kulammo la yeeshay Madax-waaxeedyada Wasaaradda

0
620

Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo ay weheliyaan Wasiiru-Dawlaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa maanta ilaa shalay kulamo gooni gooni ah la qaadanayey Agaasinka kala duwan ee Waaxaha Wasaaradda, isaga oo geesta kale kormeer lug ah ku soo maray Xafiisyada Wasaaradda ee ku yaala Xarunta Dalka ee Hargeisa.

Wasiirku isaga oo ka duulaya muhiimada ay leeyihiin Xafiisyada Dakhli-soo-saarka Wasaaraddu waxa uu shalay isugu yeedhay dhamaan Maamulka Kastamada Dalka isaga oo kulankii labaadna saaka la qaatay Maamulayaasha Xafiisyada C/Berriga ee degmadan Hargeisa, Agaasinka C/Berriga iyo qaar ka mid ah Madax-qaybeedyada Waaxda.

Maamulayaasha Xafiisyada C/Berriga Degmooyinka ka farcama magaaladan Hargeisa ayaa bilawgii kulanka Madaxda-sare ee Wasaaradda war-bixino iyo xog-waran siiyey, kadibna Wasiirka Wasaaradda Md. Cabullaahi Xasan Aaden ayaa u soo jeediyey inay dar-dargeliyaan ururinta dakhliga ku odoroosan Miisaaniyadda iyo bartilmaameedka dakhli ee u yaala xafiis kasta si loo gaadho guud ahaan ku-talo-galka dakhli maalmaha kooban ee ka hadhay sanadka, gaar ahaan in aad looga hawlgalo cashuuraha-baaqday.

Wasiirka ayaa kulankii kaa xigay waxa uu isla maanta la qaatay Waaxda Miisaaniyadda iyo Qorshaynta, Agaasinka Waaxda Miisaaniyadda ayaa war-bixin ka siiyey halka ay marayso diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee kal-danbe {2025}. Xukuumaddan cusub ayaa talada Dalka la wareegtay iyada oo ay gabogabo tahay hawlaha diyaarinta miisaaniyaddu, sidaa oo ay tahay waxa lagama maarmaan ah in la helo miisaaniyad ka tarjumaysa Siyaasadda Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo qaab-dhismeedka xukuumaddiisa, dhinaca kale waxa kaabiga inagu haya sanad-miisaaniyaddeedka cusub ee 2025, is waafajinta arimahaas iyo kuwa kale oo la hal-maala ayaa udub dhexaad u ahaa kulanka maanta ee Wasiir Cabullaahi Xasan iyo Madaxda Waaxda Miisaaniyadda & Qorshaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here