Wasiirka Hawlaha Guud oo Kulan Saacaddo Baddan Qaatay La Qaatay Maayirka Caasimadda Iyo Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeisa.+ SAWIRRO

0
855

Hargeysa (HargeisaPress) —  Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Kulan Saacaddo Baddan Qaatay La Qaatay Maayirka Caasimadda Iyo Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Hargeisa.

Kulanka Oo Saacado Baddan Oo Saxaafaduna Dibadjoog Ka Ahayd Ayuu Wasiirka Hawlaha Guud Kulan Kula Qaatay Xafiiskiisa Maayirka Caasimadda Iyo Baddi Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeisa.

Dhamaadkii Kulanka Ayaa Go’aamadii Madasha Kasoo Baxay Waxa Saxaafadda Si Wadajira Ula Hadlay Wasiirka Hawlaha Guud, Maayirka Caasimadda Hargeisa Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda.

Ugu Horeyn Cilmi C/raxmaan Cashuur Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Sheegay In Dawladda Hoose Kusoo Dhaweynayaan Inay Dhexmarto Wado Shaqeyn Wacan, Wuxuuna Tilmaamay Inay Isku Yihiin Dawladd Qudh Oo Lagama Maarmaan Tahay Inay Wada Shaqeeyaan.

Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/raxmaan Caydiid Soltelco Ayaa Sheegay Inay Isla Qaateen.
1. In Maanta Wixii Ka Danbeeya Wasaaradda Hawlaha Guud Goobjoog Ka Noqon Doonto Beeraha Ay Qorsheynayaan Dawladda Hoose.
2. In Buuraha, Jeexjeexyadda Iyo Dooxyadda Ay Yihiin Goobo Danguuda Oo Dawladu Leedahay.
3. In Sida Wadajira Uwada Shaqeeyaan Dawladda Hoose Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Isna Dhinaciisa Sharaxay Qodobadda Lagu Heshiiyey Waxaanu Yidhi.

1. In Gudi Wadajira Loo Soo Saaro Wada Shaqeynta Dawlada Hoose Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud.
2. In Beeraha La Qorsheynayo Dadka Laga Qaado 30%, Sida Uu Sheegayo Xeerka Dhulku.
3. In Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Dawladda Hoose Murankii Dhulka Ee Udhaxeeyey Ee Mudada Baddan Soo Jiitamayey Halkaas Ku Dhamaaday.

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here