Addis Ababa,(HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa maanta kulan midho-dhal ah la yeeshay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha Dalka Itoobiya, Mudane Fenta Dejen.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiiru-Dawlaha ayaa diiradda lagu saaray:
– Xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
– Abuurista hannaan wada shaqayneed iyo isku xidhnaan joogto ah oo labada dhinac u sahlaya in si hufan loo wada ilaashado danaha labada dal ka dhexeeya.
Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa uga mahadceliyay Wasiiru-Dawlaha qaabilaadda iyo soo dhawaynta uu u sameeyay.
Dhankiisa, Wasiiru-Dawlaha Itoobiya, Fenta Dejen, ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay Somaliland, isaga oo ku sifeeyay in ay Somaliland tahay dal iyo dad uu dareen gaar ah u hayo.
Ugu danbayntii, labada masuul mid waliba waxa uu ka kale guddoonsiiyay hadyad uu ugu talogalay.





















